Globally, 840 million women and girls—nearly one in three—have endured physical or sexual violence in their lifetime. Against the weight of that crisis, Somalia’s November 17 vote at the United Nations was more than a diplomatic outlier, it was a stark contradiction.
Markii Dunidu u Codaysay Ilaalinta Xaquuqda Haweenka, Dowlada Soomaaliya oo Kaliya Ayaa Kahor timid codbixintaas.
Aragtida hoose waxaa qortay Layla Jama, oo ah cilmi-baare iyo halgamaa u ololeeya xuquuqda haweenka. Qoraalka waxaa lagu sameeyay tafatir kooban si loo soo gaabiyo loona waafajiyo hagaha habraaca qoraalka ee Sahan Research. Aragtiyada ku xusan qoraalkan waxay gebi ahaanba ka tarjumayaan aragtida shakhsiga ah ee qoraaga, mana aha qasab inay ka tarjumaan mowqifka Sahan Research.
Aan wada tirinno. 17-kii Nofeembar 2026. Waxaa gacmaha kor u taagay wakiillada 175 dal iyagoo taageeraya qaraarka qabyo-qoraalka ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Guddigiisa Saddexaad, A/C.3/81/L.16/Rev.1, kaas oo ku saabsan ka hortagga Xadgudubka loo geysto haweenka iyo gabdhaha, iyadoo dilalka la xiriira jinsiga ay ka mid ahaayeen arrimaha udub-dhexaadka u ah. Lix waddan ayaa ka gaabsaday codbixinta, qaarkoodna waxay muujiyeen walaac ku saabsan erayo gaar ah, iyagoo diiwaangeliyay ka aamusid iyagoon si toos ah u diidin qaraarka. Hal waddan oo keliya ayaa cod diidmo ah bixiyay. Magaca ku qornaa wuxuu ahaa dalkaygaSoomaaliya.
25-ka Nofeembar, goobo caan ah oo dunida ku kala yaal ayaa loo iftiimin doonaa midabka oranji. Khudbado ayaa la jeedin doonaa, sawirro ayaa la wadaagi doonaa, dad badanina waxay muddo kooban dareemi doonaan inay tallaabo qaadeen. Hase yeeshee, subaxda 26-ka Nofeembar, marka nalalka la damiyo oo khudbadaha la soo gabagabeeyo, haweenka Soomaaliyeed waxay ku soo toosi doonaan isla khatartii ay ku seexdeen habeenkii ka horreeyay. Anigoo ka hadlaya Geeska Afrika, waxaan isweydiinayaa: maxay ka dhigan tahay marka dowladdu kaligeed istaagto iyadoo ka soo horjeeda ilaalinta xaquuqda haweenkeeda?
Diblomaasiyadda caalamiga ah, go’doon buuxa waa arrin dhif ah; go’doon aan wax sharaxaad ah laga bixinina waa ka sii dhib badan yahay. Dal kasta oo ka soo horjeeda erey ama qodob gaar ah wuxuu leeyahay waddooyin diblomaasiyadeed oo la aqoonsan yahay: ka gaabsasho codbixinta, sharaxaad codbixineed, ama qoraal rasmi ah oo ka aamusid ah. Lix waddan ayaa mid ka mid ah jidkaas maray. Soomaaliya waxay qaadday waddadii ugu adkayd, waxaana, inta aan ogahay waqtiga aan maqaalkan qorayo, aanay soo saarin wax sharaxaad ah. Inkastoo murannada Qaramada Midoobay ay muddo dheer ku saabsanaayeen erayo ay ka mid yihiin “caafimaadka galmada iyo taranka”, “soo rididda uurka ee badbaadada leh” iyo ereyga “jinsiga (gender)” - arrimo uu Mareykanku tusaale ahaan xusay markii uu sharaxayay sababta uu uga gaabsaday codbixinta - haddana maqnaanshaha wax bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Muqdisho ayaa ka dhigaya mucaaradadda Soomaaliya mid aan lahayn wax sharaxaad muuqata.
Waxaan soo jeedinayaa saddex fasiraad oo suurtagal ah oo ku saabsan mowqifka Soomaaliya, kuwaas oo ah mala-awaal falanqayn ah, balse aanan ahayn sheegashooyinka ku saabsan niyadda dhabta ah ee dowladda. Midda koowaad waa diidmo ka dhan ah ereyo gaar ah. In kasta oo diidmooyinkaas ay gooni ahaan macquul u noqon karaan, haddana ma sharaxayaan sababta qoraal dhan oo loogu talagalay ka hortagga dilalka haweenka loo diiday gebi ahaanba. Midda labaad waa mowqif mabda’ ku salaysan oo loo arko inuu khilaafsan yahay diinta iyo dhaqanka. Hase yeeshee, mowqifka noocaas ah wuxuu u baahan yahay dood fagaare ah, wuxuuna wajahayaa xaqiiqda ah in ururro badan oo haween Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ku dhisan isla diinta iyo dhaqankaas, ay maanta si firfircoon u dalbanayaan ilaalin ka dhan ah rabshadaha iyo dilalka. Midda saddexaad waa in codbixinta loo adeegsaday fariin loo dirayo bulshada gudaha, iyadoo cawaaqibta diblomaasiyadeed iyo kuwa bani’aadamnimo lagu qaadayo meel kale. Anigu ma garanayo midkee, haddii ay jiraanba, uu sax yahay; sidoo kale qof kasta oo ka baxsan qolkii codbixintu ka dhacday ma sheegan karo inuu ogyahay. Taasina waa dhibaatada ugu weyn: marka dowladdu aysan sharxin cod muhiim ah, dadka kale ayaa booskaas buuxiya oo fasiraad sameeya. Fasiraadaha ugu xun ayaa ah kuwa ugu dhaqso badan ee faafa, haweenka Soomaaliyeedna waa kuwa ugu horreeya ee qiimaha ku bixiya.
Qiimahaas Soomaaliya si fiican ayay u taqaannaa. Markii dowladdu burburtay xilligii dagaalka sokeeye, haweenku ma lumin oo keliya amnigoodii jireed; waxay lumiyeen rajada ah in cid lagu qaadi doono mas’uuliyadda dambiyada loo geysto. Tan iyo markaas, nolosha haween aan tiro lahayn waxaa dhaawacay kufsi, tacaddiyo galmo, guur khasab ah, guur carruurnimo iyo barakac joogto ah, iyadoo kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha ay weli ka mid yihiin dadka ugu nugul.
Qaramada Midoobay waxay diiwaangelisay jiritaanka joogtada ah ee rabshadaha galmada ee la xiriira colaadaha Soomaaliya, iyadoo sheegtay in haweenka iyo gabdhaha barakacayaasha ahi yihiin kuwa ugu halista badan. Hase yeeshee, inta aan ogahay, ma jiro xog rasmi ah oo nidaamsan oo ku saabsan dilalka la xiriira jinsiga. Kiisas badan oo noocaas ah waxaa lagu xalliyaa wadaxaajoodyo dhaqameed iyo mag-wadaag bulsho, iyaga oo aan waligood gaarin maxkamad, taasina waxay keentaa in magaca dhibbanaha aanu ka muuqan wax diiwaan rasmi ah.
Halkaas ayaana dagaalka labaad ka bilaabmaa, dagaalka aan waligiis ka muuqan tirakoobyada. Ka dib marka fal lagu kaco haweeney, ceebta badanaa waxaa lagu soo rogaa dhibbanaha halkii laga saari lahaa dembiilaha. Iyadoo ka baqaysa in qoyskeedu ama bulshadeedu ka fogeeyaan, waxaa inta badan lagu khasbaa inay aqbasho “heshiis nabadeed” oo kiiska lagu xiro, dembiilahuna xor ku sii ahaado. Haween badan ayaa doorta inay aamusaan, ma aha sababtoo ah wixii dhacay way yar yihiin, balse sababtoo ah hadalku wuxuu ku keeni karaa dhibaato ka weyn middii lagu geystay. Dhibbanuhu wuxuu bartaa in caddaalad raadintu aanay wax faa’iido ah lahayn; dembiilahuna wuxuu bartaa in dambigiisu aanu lahayn cawaaqib. Sidaas ayay ciqaab-la’aantu ku xidid yeelataa.
Sababtaas awgeed, mowqifka dowladeed ee fagaaraha lagaga dhawaaqo ma aha arrin keliya oo rasmi ah. Bulsho ay caddaaladdu inta badan ka dhacdo meel ka baxsan maxkamadaha, calaamad kasta oo ka timaadda dowladda waxay beddeli kartaa isu dheellitirka awoodda. Cod diidmo ah oo loo qaado qaraar ku saabsan ka hortagga dilka haweenka wuxuu xoojin karaa awoodda dhinaca qaldan, iyadoon loo eegin niyadda cidda codka bixisay. Dal ay haweenkiisu amni ku dareemin guryahooda ama xeryaha barakacayaasha ma heli karo nabad waarta, xitaa haddii rasaastu istaagto. Nabadda aysan haweenku dareemi karin ma aha nabad dhab ah.
Hase yeeshee, waxaan diidayaa sawirka dunidu marar badan naga bixiso: haweeneyda Soomaaliyeed oo ah dhibbane sugaysa in la badbaadiyo. Iyadu waa haweeneydii qoyskeeda sii noolaysay markii dowladdu maqnayd, maamushay suuqyo iyo ganacsiyo yaryar, hoy siisay barakacayaal, kana qayb qaadatay dhexdhexaadinta iyo nabad-dhisidda. Maanta waxay soo galaysaa saxaafadda, cilmi-baarista iyo bulshada rayidka ah, iyadoo adeegsanaysa aaladaha dijitaalka ah si ay rabshadaha ugu magacowdo waxa ay yihiin, halkii ay ka aqbali lahayd erayo jilicsan sida “khilaaf qoys”. Marka gabar yar ay aragto haweeney Soomaaliyeed oo soo bandhigaysa barnaamij telefishan ama ku qoran warbixin baaritaan, waxay bilaabaysaa inay fahamto in iyaduna xaq u leedahay inay hadasho.
Laakiin waxaa jira dabin ay dunidu marar badan ku dhacdo. Dabaaldegga adkaysiga haweenka wuxuu mararka qaar noqdaa hab si dadban looga cafiyo kuwa mas’uulka ka ah dhibaatada. Adkaysigu ma aha fadli si gaar ah haweenka loo siiyay; waa culays lagu saaray sababtoo ah dowlad iyo bulsho ayaa waajibaadkoodii gudan waayay. Ma ku ekaan karno sacab u garaacidda haweeneyda badbaaday annagoo aan waxba ka qaban sababihii badbaadadaas ka dhigay mid lama huraan ah.
Ammaantu waa inay isu beddeshaa ballanqaad: sharciyo dambiyeeya rabshadaha isla markaana si dhab ah loo dhaqan geliyo; maxkamado iyo hay’ado boolis oo haweenku gaari karaan iyagoon baqayn; hoy, daryeel caafimaad iyo taageero nafsiyeed oo la siiyo dhibbanayaasha; waxbarasho siisa gabdhaha beddelka guurka hore; iyo ilaalin loo fidiyo saxafiyiinta, cilmi-baarayaasha iyo dhaqdhaqaaqayaasha diiwaangeliya rabshadaha oo iyaguna bartilmaameed noqda. Intaas waxaa ka sii muhiimsan in haweenku door ku yeeshaan dejinta siyaasadaha saameynaya noloshooda, sababtoo ah go’aanno laga gaaro haweenka iyagoon ka qaybgelin ma awoodaan inay si dhab ah u ilaaliyaan.
Tani ma aha halgan haweenka u gaar ah, mana aha arrin Soomaaliyeed oo keliya. Rabshadaha ka dhanka ah haweenku waa dhaawac ku yaal jirka bulshada oo dhan, mana bogsan doono ilaa aabbayaasha, walaalaha, ragga, odayaasha, siyaasiyiinta iyo garsoorayaashu ka istaagaan dhinaca saxda ah. Taasna ma aha oo keliya khudbado maalmaha xuska ah laga jeediyo, balse waa mowqifyo la qaato xitaa marka ay qaadashadoodu qiimo leedahay.
Duniduna waxay leedahay door ay ciyaarto. Waxa ka maqan ma aha xog ku saabsan Soomaaliya, balse waa go’aanka ah in isha lagu sii hayo. Sawirro ayaa yimaada, warbixino ayaa la daabacaa, dabadeedna dareenka wuxuu u wareegaa dhibaato kale oo qaylo badan, halka badbaadayaashu kaligood ku harayaan. Waxa loo baahan yahay waa taageero joogto ah oo la siiyo ururrada maxalliga ah ee fahamsan bulshooyinkooda, isla markaana kasbaday kalsoonidooda, iyo iskaashi soconaya muddo ka dheer hal wareeg maalgelin.
Weli albaabku ma xirna. Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu qaraarkan ka doodo fadhi guud inta lagu jiro kalfadhigan, ka dib markii uu ansixiyay Guddiga Saddexaad. Tani waxay siinaysaa dowladda fursad ay ku qabato waxa hoggaanka masuulka ahi dalbanayo: inay sharaxdo mowqifkeeda si muwaadiniintu u fahmi karaan, dhegaysato ururrada haweenka iyo xuquuqda aadanaha ee Soomaaliyeed, una codeyso qaraarka ama ugu yaraan ay ka gaabsato codbixinta iyadoo soo gudbinaysa qoraal rasmi ah oo reservations ah. Dib-u-eegista mowqif khaldan waa calaamad mas’uuliyadeed, ma aha calaamad daciifnimo.
Sidoo kale waa in la caddeeyo in codkani aanu metelin dhammaan Soomaalida. Ururrada haweenka, kooxaha xuquuqda aadanaha iyo ururrada bulshada rayidka ahi waxay leeyihiin aragtiyo madax-bannaan, mana habboona in bulsho dhan lagu xukumo go’aan ay qaadatay hal awood siyaasadeed.
Su’aasha aan dowladda u jeedinayo ma aha: “Maxaad uga hor timid dunida inteeda kale?” Su’aashu waa tan: maxaad ugu jawaabaysaa haweeney Soomaaliyeed oo ku waydiisa, Dalkaygu ma i ilaalin doonaa?
Xuquuqdu uma baahna cod aqlabiyad ah si ay u mudnaato ilaalin. Soomaaliya uma baahna inay kaligeed istaagto si ay u caddeyso madax-bannaanideeda. Waxay u baahan tahay inay garab istaagto haweenkeeda.
Gain unlimited access to all our Editorials. Unlock Full Access to Our Expert Editorials — Trusted Insights, Unlimited Reading.
Create your Sahan account LoginUnlock lifetime access to all our Premium editorial content
Count with me. On 17 November 2026, 175 hands were raised in the Third Committee of the United Nations General Assembly in support of draft resolution A/C.3/81/L.16/Rev.1 on preventing violence against women and girls, with gender-related killings among its central concerns. Six countries abstained – some over specific terminology – registering their reservations without rejecting the resolution outright. Only one hand was raised against it. It bore the name of my country.
Aan wada tirinno. 17-kii Nofeembar 2026. Waxaa gacmaha kor u taagay wakiillada 175 dal iyagoo taageeraya qaraarka qabyo-qoraalka ah ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Guddigiisa Saddexaad, A/C.3/81/L.16/Rev.1, kaas oo ku saabsan ka hortagga Xadgudubka loo geysto haweenka iyo gabdhaha, iyadoo dilalka la xiriira jinsiga ay ka mid ahaayeen arrimaha udub-dhexaadka u ah. Lix waddan ayaa ka gaabsaday codbixinta, qaarkoodna waxay muujiyeen walaac ku saabsan erayo gaar ah, iyagoo diiwaangeliyay ka aamusid iyagoon si toos ah u diidin qaraarka. Hal waddan oo keliya ayaa cod diidmo ah bixiyay. Magaca ku qornaa wuxuu ahaa dalkaygaSoomaaliya.
Months of simmering tensions in the Hiiraan region and escalating political rifts with Mogadishu have morphed into a full-blown armed insurrection this week. This development compounds the widening revolt across Somalia's periphery against President Hassan Sheikh Mohamud's (HSM) administration, deepening its political isolation.
In a landmark ruling last week, five senior judges of Somalia’s Supreme Court declared incumbent President Hassan Sheikh Mohamud’s (HSM) May 2026 term extension unlawful and held that Parliament’s mandate had expired in April 2026, thereby rendering Villa Somalia’s "one-person, one-vote" (OPOV) electoral process illegal and its outcome invalid. Consequently, the judges directed all Somali political parties to agree on a new electoral framework within 30 days and conduct a credible poll within 90 days.
Every political system generates its own distinctive catchphrases, slogans, and metaphors, and Somalia is no exception. Indeed, the administration of President Hassan Sheikh Mohamud (HSM) has proven to be one of the country's most prolific creators of political branding. Among the most notable was the aspirational slogan "Soomali heshiis ah dunida naheshiis la ah" (Somalia at peace with itself and with the world). Always more ideal than reality, the phrase now rings hollow at a time when the nation remains deeply fractured internally and relations with regional neighbours have grown increasingly frosty. Similarly, the Simón Bolívar-style moniker "Dal xoreeye" (The Liberator) feels intensely contradicted by reality as significant swathes of the country risk reverting to Al-Shabaab control. Other slogans, such as "Birmade" and "Dan Qaran", have likewise been quietly discarded.
In social psychology, the term "desperation conundrum" refers to a psychological paradox wherein an acute, extreme, or severe need for an objective inadvertently impedes its attainment. This occurs because an intense sense of urgency frequently drives choices and behaviours that alienate the very outcome that is so desperately sought.
Somalia’s contemporary political trajectory is profoundly defined by the month of October. Within the Somali collective consciousness, October is not merely another page on the calendar; it is the recurring crucible of political upheaval, tragedy and systemic transformation.
The Federal Government of Somalia (FGS) has since 10 October been deploying National Intelligence and Security Agency (NISA) forces, specifically the little-known Public Protection Forces (Ilaalada Shacabka / People’s Protection Forces), in Wadajir. This mobilisation is concentrated close to the home of ex-President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed – a development widely criticised by many Somalis as provocative. Some interpret the build-up as a prelude, possibly, to some form of armed action against the former president and leader of the opposition Somali Future Council, amid uncorroborated media reports that President Hassan Sheikh Mohamud (HSM) has used Abgaal clan elders to relay an ultimatum demanding the disarmament of Sharif and other opposition figures.
It’s been a bruising week for the Somali Federal Government (FGS), headed by President Hassan Sheikh Mohamud (HSM), whose constitutional term of office expired in May this year. Yesterday, forces aligned with the administration of Jubaland peacefully took control of the strategic border town of Beled Haawo in Somalia’s Gedo region – a lucrative customs post for trade and transit with Kenya. Roughly 1,000 Daraawiish paramilitaries loyal to Abdirashid Hassan Janan – a fickle politician who is notorious for changing sides in a volatile region – reportedly deployed across key sites in the town following negotiations with the previous local administration.